|
![]() |
|||
|
||||
OverviewKU SAABSAN BUUGGA: Buuggan waxaa lagu soo aruuriyey maansooyinkii Abwaan Abshir Nuur Faarax ""Bacadle"" kuwaas oo gaaraya 140 maanso oo isgu jira gabay, geeraar, salsal iyo shirib. Waxaa kale oo wehliya maansooyin kale oo ay tiriyeen abwaano kale oo ka fal celiyey qaar ka mid ah maansooyinka Abshir Bacadle. KU SAABSAN QORAAGA: DR. MAXAMED XUSEEN MACALLIN wuxuu ku dhashay Muqdisho 1964kii. Sidoo kale waa bare, iyo cilmibaare. Wuxuu ka qalan jabiyay Jaamacat Umm al-Quraa' ee Makka al-Mukarama, Taariikhda Islaamka sanadkii 1987-1991kii, isla jaamacaddaas sidoo kale master sanadkii 1992kii. PhD wuxuu ku sameeyay Jaamacada al-Niilayn ee Suudaan sanadkii 2001-2006kii. Wuxuu ka soo shaqeeyay Jaamacado badan. Sidoo kale qoraagu wuxuu ka mid yahay ururo aqooneed oo caalamka ku firirsan. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin kuwan: Taariikhda Culimada Soomaaliyeed (Looh Press, 2021); Haldoorada Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha: Ingiriiska iyo Waqooyiga-Yurub (Looh Press, 2023); Diiwaanka Maansooyinkii Abwaan Abshir Nuur Faarax ""Bacadle"" (Looh Press, 2025). Sidoo kale wuxuu Afcarabi ku qoray: al-Thaqaafat al-Carabiyyah war-Ruwwaaduhaa fiil-Soomaal (Looh Press, 2023); Mucjam al-Mu'allifiin al-Soomaaliyiin fiil-Carabiyyah (2016); Cibaaqarat al-Qarn al-Ifriiqii (Looh Press, 2025); al-Calaaqat bayn al-Qarn al-Ifriiqii wal Caalam al-Khaarijii (Looh Press, 2025) iwm. Dr Maxamed Xuseen Macallin hadda wuxuu deggen yahay waddanka Noorwaay, waana aabbe, xaas, caruur leh. Full Product DetailsAuthor: Dr Maxamed Xuseen MacallinPublisher: Looh Press Ltd. Imprint: Looh Press Ltd. Edition: 3rd ed. Dimensions: Width: 15.60cm , Height: 2.20cm , Length: 23.40cm Weight: 0.649kg ISBN: 9788269414509ISBN 10: 8269414506 Pages: 338 Publication Date: 11 June 2025 Audience: General/trade , General Format: Hardback Publisher's Status: Active Availability: Available To Order ![]() We have confirmation that this item is in stock with the supplier. It will be ordered in for you and dispatched immediately. Language: Somali Table of ContentsReviews❝Diiwaanka waxaa ku badan maansooyin aad u dhismo wanaagsan, oo mindhaa gabayaagu aad ugu dhalaaliyay dareenkiisa hal-abuurka leh....❞ - Shariif Saalax Maxamed Cali (1936 - 2014) ❝Abwaan Bacadle waa gabyaa Soomaali ah samaha iyo wanaagga jecel dhaqanxumada wax yaalaha dhul shisheeye nooga yimi neceb, waddani dalkiisa daacad u ah, diinta islaamka in lagu dhaqmaa jecel, labadaa arrimoodna u halgama, taasina waa dabeecad gaar ah oo bulshada soomaalidu meeley joog taba ku talaalan.❞ - Aw Jaamac Cumar Ciise (1932 - 2014) ❝ Waxaan soo joogay qoraha diiwaankan Maxamed Xuseen Macallin oo dadaal ba'an ugu jira baadidoonka suugaanta soomaalida taasoo ay ka dhalatay inuu ururiyo agab badan oo uu ka mid yahay diiwaanka Abshir Bacadle oo uu qoruhu u guntaday xilli ay dalkeena iyo dadkeenuba xaalad qalafsan ku sugan yihiin.❞ - Baresare Maxamed Cabdi Maxamed ""Gaandi"" (1949 - 2021) Author InformationTab Content 6Author Website:Countries AvailableAll regions |