Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed

Author:   Cabdalla Cumar Mansuur
Publisher:   Looh Press Ltd
ISBN:  

9781912411146


Pages:   138
Publication Date:   02 August 2021
Format:   Paperback
Availability:   In stock   Availability explained
We have confirmation that this item is in stock with the supplier. It will be ordered in for you and dispatched immediately.

Our Price $25.88 Quantity:  
Add to Cart

Share |

Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed


Add your own review!

Overview

Buuggani, oo ah buuggii ugu horreeyay ee uu qoray Ustaad Cabdalla Cumar Mansuur 1977, oo dhowaanahan dib u habayn yar lagu sameeyay, wuxuu guud ahaan saafayaa astaamaha u gaarka ah maansada Soomaaliyeed, sida: qaafiyadda ama xarafraaca, miisaanka, murtida (sida: balaaqada ama af maldaheedka). Arrimahaasi waa xogta laga helayo qaybta koobaad ee buugga. Qaybta labaadi waxay diiwaangelinaysaa jaadad badan oo maansada ka tirsan (mid la tiriyo iyo mid la heesaba), iyada oo xeerka lagu kala soocayo jaadadkani yahay miisaanka. Markii buuggan qoristiisa la hayay, ma jirin daraasad u soo koobtay tirada jaadadka kala duwan ee maansada Soomaaliyeed, sida daraasaddan, tiro ahaan iyo tayo ahaanba. Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed waa buug si milgo leh akhristaha ugu maalaya aqoonta mucda iyo miidda badan ee maansada Soomaaliyeed, maansadaas oo ku hodman murti iyo miisaan baaxad leh oo ay Soomaalidu dunida kaga mudh baxday. Anigana waxtar aan la soo koobi karin ayuu buuggu iileeyahay: waxaan si kooban ardaydayda u siin karaa xog ka dhow midda buuni Carraale, kana dheer midda buuni Gaarriye, oo ay ka baran karaan aqoonta maansada! Idris M. Cali Cabdalla Cumar Mansuur 80tameeyadii wuxuu bara sare ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho. Dagaalkii sokeeye kaddib, wuxuu bare ka noqday Jaamacad ku taalla Roma, Universita degli Studi Roma Tre , halkaas oo uu haatan weli ka wado hawsha mashruuca Kaydka Soomaaliyeed Archivio Somalia ee Xarunta Cilmibaarista Soomaaaliyeed ee isla Jaamacaddaas. Muddo badan ayuuna ku hawllanyahay cilmibaarista afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, buugaag iyo maqaallo badan ayuuna ka qoray. Buugaagtiisa ugu doorka roon waxaa ka mid ah: Barashada Naxawaha Af Soomaaliga, (la qore) Prof. A. Puglielli, (1999); Qaamuuska Af Soomaaliga, ( la diyaariye) Prof. A. Puglielli, (2012); Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed (daabacaaddii 2aad); Le lingue Cuscitiche e il Somalo, Studi Somali N.8, (1988); Afafka Bahda Kushitigga iyo taariikhda Af Soomaaliga, (1981); Astaamaha guud ee Maansada Soomaaliyeed, (daabacaaddii 2aad). Wuxuu ku nool yahay magaalada Roma ee waddanka Talyaaniga.

Full Product Details

Author:   Cabdalla Cumar Mansuur
Publisher:   Looh Press Ltd
Imprint:   Looh Press Ltd
Dimensions:   Width: 14.00cm , Height: 0.80cm , Length: 21.60cm
Weight:   0.181kg
ISBN:  

9781912411146


ISBN 10:   1912411148
Pages:   138
Publication Date:   02 August 2021
Audience:   General/trade ,  General
Format:   Paperback
Publisher's Status:   Active
Availability:   In stock   Availability explained
We have confirmation that this item is in stock with the supplier. It will be ordered in for you and dispatched immediately.
Language:   Somali

Table of Contents

Reviews

Author Information

Tab Content 6

Author Website:  

Customer Reviews

Recent Reviews

No review item found!

Add your own review!

Countries Available

All regions
Latest Reading Guide

Aorrng

Shopping Cart
Your cart is empty
Shopping cart
Mailing List