|
|
|||
|
||||
OverviewAQALDOOG (GREENHOUSE) Mushruucaan aqaldooga wuxuu kaa caawinayaa in aadan noqon shaqaale u shaqo taga shaqsi kale oo aadan kobcin shaqsigaas ganacsigiisa uun balse aad adigu noqon doonto loo-shaqeeye la kobciyo ganasigiisa. Mashruucaan wuxuu kuu abuurayaa hanti raasumaal ah oo kuu shaqeysa, cidna kuu qaban meyso saacad iyo waqti aad ku soo shaqo gasho balse adiga ayaa maamulanaya waqtigaaga, hantidaada iyo noloshaada guud. Waxaad noqon doontaa shaqsi bulshadda kaga jira meel wanaagsan oo waxsoosaar leh bulshadda deegaankaaguna wey kugu xisaatami doonaan, mid ku la ganacsadda oo kaa iibsada waxsoosarkaaga iyo mid kuu soo shaqo tagaba. Waxaan hubaa qofkii ku dhiirradda oo ka dhabeeya hirgelinta mashruucaan beeraha aqaldooggu in uu ku guuleysan doono noloshiisa. Haddaba, si loo la jaanqaado dunida casriga ee habka waxbeerasho, waxaa muhiim ah in la dhuuxo micnaha uu xambaarsanyahay buuggan qiimaha iyo qaayaha leh, laguna camal falo oo laga dhigto marjac ama habraac marka la fulinayo howl kasta oo ku sabsaan beerashada aqaldoogga, hadday ahaan lahayd qalabkiisa, dhismihiisa, dayactirka, habka ka hortagga cayayaanka iyo cudurrada, hababka waraabka ee kala duwan iyo waxsoosaarka guudba. Waxaan u rejaynayaa akhristaha buuggan in Rabbi kuu fududeeyo howshaan kuguna guuleeyo. CIISE XAAJI-XUSEEN AXMED waxuu ku barbaaray gobolka Banaadir halkaas oo uu kusoo qaatey waxbarashadii hoose/dhexe, ka dibna dalka dibaddiisa kasii ambaqaaday kuna qaatey aqoon kororsi. Qoraagu waa xeeldheere wax ka bartey beeraha iyo mowduucaan Aqaldoogga. Wuxuu muddo dheer ka soo shaqeeyey wadammada Talyaaniga iyo Iswiidhan. Waa xeeldheere waayo-aragnimo u leh aqaldoogga iyo sida wax loogu beero. Ciise waxuu go'aansadey in uu umadda Soomaaliyeed uga faa'iideeyo aqoontiisa ku saabsan aqaldoogga si uga shaqeystaan una qoray buugga ""Aqaldoog-Greenhouse (Looh Press, 2025). Ciise hadda wuxuu degan yahay Iswiidhan. Full Product DetailsAuthor: Ciise Xaaji-Xuseen AxmedPublisher: Looh Press Imprint: Looh Press Dimensions: Width: 15.20cm , Height: 0.60cm , Length: 22.90cm Weight: 0.154kg ISBN: 9781912411603ISBN 10: 1912411601 Pages: 106 Publication Date: 30 August 2025 Audience: General/trade , General Format: Paperback Publisher's Status: Active Availability: Available To Order We have confirmation that this item is in stock with the supplier. It will be ordered in for you and dispatched immediately. Language: Somali Table of ContentsReviews❝Waxaa nasiibwanaag ii ahayd in aan akhriyo buugga dhaxalglka ah oo uu qoray aqoonyahan Ciise Xaaji Xusseen. Buugga Aqaldoog waxaa lagu soo bandhigay aqoon iyo duruus ficil ah oo aay la socdaan muuqaallo si sahal ah loo garan karo loona adeegsankaro. Qoraagu wuxuu xirfaddiisii uu kabartay dalalka Talyaaniga iyo Sweden oo ah hab casri ah oo loo beerto dalagyada iyadoo la adeegsan karo farsamadaan xilli kasta, si loo helo waxsoosaar tayo leh, iyadoo la tashiilayo biyaha la iskuna dheellitirayo cimilada, isla markaana laga hortagayo cayayaanka talfiya dalagyada. Buugaani waa macallin baraya beeralayda ama cid kasta oo danaynaysa in ay ka faa'idaysato farsamadaan cusub ee Aqaldoogga. Waa i tus oo i taabsii lagu soo bandhigay afkeenna soona kordhiyey hab adduunka horumaray ka hirgalay hase ahaatee dalkeenna aan laga aqoon. Marka buugaani uu gaaro Soomaalida, waxaan shaki lahayn in uu keenayo isbeddel ku dhaca waxsoosaarka dalagyada beeraheenna iyadoo la adeegsanayo lana hirgalinayo qaababka iyo muuqaallada buuggaan ku qoran.❞ - Cabdullahi Sh. Xusseen (Hantiwadaag)Qoraa, Aqoon yahan Author InformationTab Content 6Author Website:Countries AvailableAll regions |
||||