|
|
|||
|
||||
OverviewXogoggaalnimo waa kitaab soo baxay waqti ku habboon oo diiradda saaraya taariikhda mucaasiriga ah ee Dalweynaha Soomaaliyeed oo si gaar ah, oo faahfaahsan u sugaya halgan kii gobonnimada iyo dad kii u hawl galay. Tu kale, si dhab ah ay'uu u iftiiminayaa arrimo badan oo madmadaw ku jiray iyo muran dabadheeraaday; qaar kood si badheedh ah loogu madalhufinayay dadka, sababo la xidhiidha dano gaar ah ama dano shisheeyeed awgood. Run tii, waa kitaab dhagaxalgal ah oo ku baraarujin doona da'yarta Soomaaliyeed taariikhda iyo waddaniyadda, kuwan la'aan tood oo aan ummadi lahaan karin xornimo iyo qaran toona. Ilaahay ha ka abaalmariyo Jaamac Maxamed Qaalib dedaalka uu geliyay hawshan. - Axmed M. Sulaymaan (Shiraac). JaamaC MAXAMED QAALIB waa Boliis kii hore, oo soo qabtay jagooyinka: Madaxii Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed (1962-1966), Boliiska iyo weli ba xaqiibadaha wasaaradeed ee: Arrimahii Gudaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, Dawladaha Hoose iyo Gaadiidka (1974-1984). Xubin ka ahaa Jimciyadda Qaanuunka Soomaaliyeed (Somali Law Society), ku shaqaysan jiray Nootaayo 986-1991), oo noqday Qareen Sharciyeed (1993-1994) Hargeysa. Maqaamka waqtiga xaadirka ah: Xubin firfircoon oo ka mid ah Madasha Qaran ee Madaniyeed iyo muxaadir Jaamicadeed (lecturer) 'Taariikhda Soomaaliyeed'. Kutub tiisa: 1. Cost of Dictatorship, The Somali Experience, 1995; 2. Who Is A Terrorist, 2002 & 2005; 3. Defending History, 2005. Full Product DetailsAuthor: Jaamac Maxamed QaalibPublisher: Looh Press Ltd Imprint: Looh Press Ltd Dimensions: Width: 14.00cm , Height: 1.50cm , Length: 21.60cm Weight: 0.349kg ISBN: 9781912411214ISBN 10: 1912411210 Pages: 272 Publication Date: 25 February 2020 Audience: General/trade , General Format: Paperback Publisher's Status: Active Availability: In stock We have confirmation that this item is in stock with the supplier. It will be ordered in for you and dispatched immediately. Language: Somali Table of ContentsReviewsAuthor InformationTab Content 6Author Website:Countries AvailableAll regions |